Allbanaadir.com
NEWS

Madaale & Macalin Mahdi oo balanqaadyo culus u sameeyey qoyska gabadhii la gubay (Sawirro+Video)

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo ay wehliyaan Guddoomiye Kuxigeenada Amniga & Siyaasadda, Arrimaha Bulshada, Taliyeyaasha Booliska iyo Nabadsugida Gobolka Banaadir ayaa Tacsi ugu tagay Qoyska Marxuumad Luul Sheekh Cabdi oo u geeriyootay fal arxan darro oo uu ku gubay seygii qabay.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kafaalad qaaday Nolosha Caruurta Agoonta ah oo ay ka geeriyootay Marxuumada.

Waxaa uu sheegay in Laamaha Amniga ay ku raad joogaan Danbiilaha Baxsadka ah, isla markaana ay qoyska cadaalad heli doonaan.

Gudoomiyaha ayaa ka codsaday qoyska iney ku kalsoonaadaan laamaha amaanka aysana nasan doonin ilaa laga soo qabto gacan ku dhiiglaha falkaas geystay, cadaaladna la mariyo.

Taliyaha gobolka gobolka Banaadir Macalin Mahdi oo isna goobta kula hadlay warbaahinta ayaa sheegay iney magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka ka socdaan howlgalo iyo baaritaano lagu baadi goobayo dambiilaha, lana soo qaban doono, wuxuuna xusay in xitaa lala maxkamadeyn doono cid kasta oo gacan ku siisay falkaas foosha xun ama qarisay.

HOOS KA DAAWO VIDEOS IYO SAWIRRO

Related posts

Qaybta 2 aad :- Maxay aheyd faaxishadii sababtay in la halaago Qoomkii loo diray Nebi Luud CS?

admin

Dhagax inuu cirka kasoo dhaco laga baqayo oo loo diray qalab kahor taga

Cabdi Cade

Qaar kamid ah Qoyska Al Sacuud oo wada qorshe ka dhan ah Amiir Maxamed Bin Salmaan

Cabdi Cade
Taboola Ads ---