Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Ciidanka Booliska Somalia oo caawa gacanta ku soo dhigay gacan ku dhiigle..

Ciidanka Booliska gobolka Banaadir ayaa sheegay caawa iney gacanta ku soo dhigeen nin dhowaan fal dil ah ka geystay degmada Waaberi.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA BOOLISKA

03/02/2024 abaaro 16:00pm, Taliska Qeybta Guud Boliiska G.Banaadir gaar ahaan ciidanka saldhigga boliiska Waaberi ayaa howl-gal qorsheysan kusoo qabtay eedeysane dil ka geystay degmada Waaberi.

Eedeysanaha ayaa dhakhtar lagu dabiibayo isbitaal digfeer xabad bastoolad madaxa uga dhuftay 30/01/2024, baadi goob dheer kadib waxa uu hadda ku jiraa gacanta ciidanka boliiska, waxaana la horgeyn doonaa maxkamadda awoodda u leh.

Haddaba muwaadin, haddii aad aragtid fal amniga wax u dhimaya warbixin la wadaag saldhigga kuugu dhow ama wac lambarka gaaban ee 991.

Related posts

Laftagareen oo Damac kasoo galay Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Farmaajo oo …

Cabdi Cade

Shir lagu soo bandhigayay qorshaha Wada-xaajoodka iyo kahor taga Saboolnimada oo Muqdisho ka dhacay (Sawirro)

Cabdi Cade

Madaxweyne Trump oo markii ugu horeysay qirtay in doorashada looga guuleystay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---