Allbanaadir.com
NEWS

Muhaajiriin badan oo Itoobiyaan ah oo lagu celiyay Adis Ababa (Daawo Sawirada)

Magaalada Adis Ababa ee caasimada dalka Itoobiya ayaa waxa laga soo dejiyay boqolaal Itoobiyaan ah oo laga soo daayay xabsiyo kuyaala Dalka Sacuudiga oo mudooyinkii ugu dambeeyay ku xirnaayeen.

Masuuliyiin katirsan dowlada Itoobiya ayaa garoonka diyaaradaha Bole ee magaalada Adis Ababa kusoo dhaweeyay maxaabiistan laga soo daayay xabsiyo kuyaala Boqortooyada Sacuudiga.

Dowlada Itoobiya ayaa dadaalo badan ku bixisay sii deynta maxaabiistan iyo kuwa kale oo ku xirnaa wadamo kale oo khaliijka ah, waxaana dadkan Itoobiya dib loogu soo celiyay la sheegay in ay u badnaayeen kuwa sharci daro dalkaasi ku joogay.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Itoobiya ayaa ku guuleesatay in kumanaan maxaabiis ah oo ku xirnaa wadamo kala duwan ay soo deyso dibna ugu soo celiso Itoobiya, waxaana dadkaasi qaarkood loo sameeyay dib u dejin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Wasiir Goodax oo gaaray Belad-weyne & Dabageed oo 72 Saacadood loo qabtay (Sawirro)

Caydiid Ali

Israel oo duqeysay saldhig Turkigu degi rabay oo Siiriya ku yaalla

Caydiid Ali

Xabad joojintii Israel iyo Xamaas oo dhaqan gashay iyo dabaaldegyo socda (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---