Gudoomiye u qubeeyey taalada X/taako & sharadkii Galmudug oo la furay (Daawo)

Guddoomiyaha degmada Boondheere ee gobolka Banaadir Maxamed Deeyoo ayaa fuliyey sharad uu galay ka hor ciyaartii Finalka aheyd ee dhexmartay Galmudug iyo Hirshabelle taasoo qeyb ka aheyd ciyaarihii dowlad goboleedyada ee dhowaan lagu soo gebagebeeyey Magaalada Muqdisho.

Guddoomiye Deeyoo oo sidoo kale ka mid ah dhalinyarada caanka ah ee baraha bulshada ayaa taageeray Hirshabelle ka dib markii tartanka laga reebay xulka gobolka Banaadir oo uu markii hore taageere u ahaa.

Waxaa uu balan qaaday in haddii ay badiso Galmudug oo uu ka soo horjeeday uu u qubeyn doono taalada Xaawo oo ku taalla degmada Boondheere kana mid ah taalooyinka halgamayaashii gobanima-doonka Soomaaliyeed ee ku yaalla magaalada Muqdisho.

Dad badan ayaa kaftan moodayey balan-qaadka guddoomiyaha oo xafiiltan adag kula jiray taageerayaasha Galmudug, hase ahaatee guddoomiye Deeyoo ayaa ka dhabeeyey sharadkiisa markii laga badiyey xulka Hirshabelle isagoo maanta fuulay dusha sare ee taalada Xaawo Taako oo uu soo qubeeyey.

HOOS KA DAAWO GUDOOMIYE DEEYOO OO TAALADA DHAQAYA IYO HADAL UU JEEDIYEY.

- Advertisement -