Allbanaadir.com
NEWS

Xildhibaan ka tirsan Baarlamanka Itoobiya oo la xiray ka dib markii uu ka hor yimid..

Ciidamada amaanka Itoobiya ayaa xiray Dr. Dessalen Chane, oo ah xildhibaan ka tirsan aqalka baarlamanka dalkaas sida ay sheegeen qoyskiisa.

Afar ka mid ah ciidamada nabadsugidda hubeysan ayaa ku lug lahaa xariga, kuwaasoo labo ka mid ah ay xirnaayeen dareska ciidamada booliska dowladda federaalka.

Dr. Dessalen Chane ayaa caan ku ah dhaleecayn xooggan iyo fikrado oo ka dhan ah xukuumadda Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed xilliyada uu socdo shirarka Aqalka Hoose.

Waxaa xusid mudan in uu ka maqnaa kulamadii u dambeeyay ee baarlamaanka.

Xidhibaankan ayaa ka soo jeeda qowmiyada axmaarada oo dagaal ba’an kula jirta dowlada Itoobiya, kuwaasoo doonaya iney meesha ka saaraan maamulka Abiy Ahmed.

Related posts

Wejigii labaad ee Mashruuc Indho fiiqis bilaash ah oo ka socda Magaalada Kismaayo (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Farmaajo oo Balan qaad u sameeyay Reer Galmudug iyo Xaaf oo la sharfay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Dad badan oo ka cabsi qaba Taliban oo cagahooda uga baxsanaya Afganistan (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---