Allbanaadir.com
NEWS

Maxaa ka soo baxay Shirkii Golaha wasiirada Xukuumada Soomaaliya?

Shirka Golaha Wasiirrada xukuumada Somalia ee caadiga ahaa ayaa lagu qabtay xarunta madaxtooyada ee Magaalada Muqdisho.

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa guddoomiyay shirkaas.

Golaha Wasiirrada shirkooda oo ahaa kii todobaadlaha ahaa ayaa looga hadlay arrimaha amniga, qorshaha la dagaallanka al shabaab iyo ka mira dhalinta Siyaasadda loo dhan-yahay.

Golaha ayaa warbixinno ku saabsan xaaladda amni ka dhagaystay Wasiirka amniga iyo taliyayaasha ciidanka qalabka sida, iyagoo ka war-bixiyay xaaladda guud iyo dardar gelinta dagaalka ka dhanka ah al shabaab.

Related posts

Kismaayo: Waa Kuma 4-ta Senator ee Isbadal-doonka usoo Baxday maanta ?

admin

(Sawirro) Xasan Shiikh oo la kulmay wafdi uu horkacayey Ahmed Binu Cabdicasiis

Caydiid Ali

Warbixin 17 qodob ka kooban oo ka soo baxday DF (Maxaa looga hadlay)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---