Allbanaadir.com
NEWS

Ciidankii u horeeyey ee Israel oo galay Koonfurta Lubnan

Ciidankii u horreeyay ee Israa’iil ayaa dagaalkii 2006-dii kaddib maanta gudaha u galay koonfurta dalka Lubnaan

Saraakiisha Israel ayaa sheegay inay halkaas ka fuliyeen howlgallo xog aruurin ah illaa ay ka gaareen godod ay sheegeen inay halkaas ku leeyihiin dagaalyahannada ururka Xisbullah.

Howlgalkan ayaa la sheegay inay fuliyeen ciidan gaar ah oo ka tirsan militariga Israa’iil, kuwaasoo la sheegay inay u gogol xaarayaan howlgal ballaaran oo dhulka ah oo ay sheegeen inay ciidanka Israa’iil ku galayaan koonfurta Lubnaan.

Israel ayaa sidoo kale weeraro xiriir ah habeenimadii Axadda ka fulisay dalka Lubnaan, waxayna ku dhawaaqday inay dishay taliye kale oo sare oo ka tirsanaa Xizbullah.

Duqeymahan ayay sheegtay Israel inay uga gol-leedahay inay xaaladda ku sii adkeyso Xizbullah, oo weli u baroor diiqeysa dilkii hogaamiyahoodii Hassan Nasrallah, oo ay Israel duqeyn cirka ah ku dishay Isra’el.

 

Related posts

Siciid Deni oo Somaliland ku taageeray Madaxbannaanida ay raadinayaan

Cabdi Cade

Mahad Salaad: “Wasiir Beyle ma wuxuu rabaa inuu dadka xoolahooda Xoog ku dhaco”

Caydiid Ali

Ciidamo badan oo laga qaaday Kismaayo oo kusii jeeda Degmada Balad Xaawo

Cabdi Cade
Taboola Ads ---