Xasan Sheekh Maxamuud oo Baaq u diray Madaxda Dowlada Soomaaliya

Madaxweynihii hore ee dowlada Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu baaqay Madaxda dowlada talada heysa in ay la yimaadaan hanaan ay kula macaamilaan Siyaasiyiinta mucaaradka .

Xasan Sheekh ayaa sheegay in ay jiraan siyaasiyiin iyo dad kale oo aragti ahaan ka duwan habka ay ku shaqeyso dowladda Soomaaliya, waxa uuna tilmaamay in dowlada looga baahan yahay in ay wax ka bedesho habka macaamilka mucaaradka.

Waxa uu sheegay Xasan Sheekh in dalka uu masuuliyad ka saaran yahay Mucaarad iyo Muxaafid , waxa uuna cadeeyay in si gaar ah masuuliyada xiligan u saaran tahay Madaxda hogaamisa dowlada.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in Mucaaradnimo aysan aheyn wax qaldan balse tahay mid wax lagu saxo, waxa uu sheegay in muhiim tahay in dowlada waxii ay qalado laga saxo waxii ay saxdana lagu bogaadiyo.

Hadalka Xasan Sheekh ayaa kusoo aadaya xili dhawaan Madax looga dhigay Xisbi mucaarad ku ah dowlada Federaalka Soomaaliya, waxaana Madaxweynihii hore ee Soomaaliya xiligii uu talada hayay lagu eedeeyay in uu cabirin jiray mucaaradka dowladiisa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -