Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Boris Johnson oo aqbalay in uu iska casilo Hoggaaminta xisbiga Conservative-ka

Ra’isul  Wasaaraha dalka Britain Boris Johnson ayaa aqbalay in uu iska casilo xilka hoggaaminta xisbiga Conservative-ka, kaddib markii xubno muhiim ah oo katirsanaa xilkiisa kahor yimaadeen isna casileen.

Bris Johnson ayaa waxaa hareeyay  fadeexado badan iyo xukuumadiisa, waxaana meesha ka baxay oo siyaasada Ra’isul Wasaaraha khilaafay xubno katirsanaa xisbigiisa aadna ugu dhawaa Johnson.

Ra’isul Wasaare Johnson ayaa markii hore diiday in uu iscasilo, in kasta oo in badan oo ka mid ah Wasiiradiisi ay is-casileen si ay culeys u saaraan, waxa uu sidoo kale Johnson dhaleeceyn badan kala kulmay Baarlamaanka UK.

Boris Johnson ayaa xilka sii hayn doona inta Hoggaamiyaha xisbiga Conservative-ka  la dooranaayo, waxa ayna tallaabadan soo gabogabeeneysaa xil heynta Ra’isul Wasaaraha Britain oo mar xalado adag xilligan wajahaya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Dilal caawa ka dhacay Ceelasha Biyaha iyo amniga degaanka oo laga deyrinayo

Caydiid Ali

Maxay ka wada hadleen Gudoomiye Aadan Madoobe iyo dhigiisa Mustafa Şentop?

Caydiid Ali

Muqdisho oo saakay ka bilaabatay diiwaangelinta Codbixiyaasha iyo DFS oo…

Cabdi Cade
Taboola Ads ---