Aabaha Ciyaaryahan Caan ah oo noqday Madowgii ugu horeeyay ee Duq magaalo ka noqda dalka …

Pierre Kompany ayaa noqday Madowgii ugu horeeyay ee duq magaalo ka noqda dalka Belgium-ka, waxaana guusha Pierre ay noqotay mid si weyn loo hadal hayo aragtiyo kala duwana laga bixiyay.

Mr Pierre oo ah aabaha Kabtanka kooxda Manchester City Kompany ayaa helay codadka ugu badan doorasho ka dhacday deegaanka Ganshoren ee magaalada Brussels, waxa ayna guushiisa horseeday in uu qaato darajada Duq magaalo .

Warbaahinta dalka Belgium-ka, ayaa sheegay in guusha Pierre ay qeyb ka noqdeen caanimada wiilashiisa gaar ahaan Kabtan Kooxda Manchester City sidoo kale katirsan xulka Qaranka Belgium-ka.

Pierre Kompany ayaa qaxootinimo ku tagay dalka Belgium-ka sanadkii 1975 isagoo xiligaasi kasoo haajiray dalkiisa hooyo Koongada Dimuquraadiga, waxa uuna markii dambe noqday muwaadin qaatay dhalashada Belgium-ka.

Madowgii ugu horeeyay ee Duq magaalo ka noqda Belgium-ka ayaa siyaasada soo galay sanadkii 2006-dii isagoo noqday gudoomiye xaafadeed, waxa uu sidoo kale sanadkii 2014-kii kamid noqday baarlamaan goboleedka magaalada Brussels.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -