Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare Xamse Barre oo xil ka qaaday Wasiirro kuwa cusubna magacaabay

Ra’isl Wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa wareegto uu soo saaray xilalka uga qaaday labo wasiir oo katirsan xukuumadiisa, kuwaa oo la shegay in Ra’isul Wasaaraha iyo iyaga uu khilaaf soo kala dhax galay.

Xamse Barre ayaa xilkii ka qaaday wasiirkii Wasaarada Beeraha iyo Waraabka Xukuumadda Soomaaliya Mudane Axmed Madoobe Nuunow iyo wasiirkii Wasaaradda Howlaha Guud iyo Guriyeynta Xil Ismaaciil Abdirahman Sh.Bashir .

Ra’isul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa wareegtada uu soo saaray ugu magacaabay Maxamed Cabdi Xayir Maareeye in uu noqdo wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka, halka Cabdisalaan Cabdi Cali Dhaay isna loo magacaabay Wasiirka Howlaha Guud.

Magacaabista iyo xil ka qaadista labadan wasiir ayaa imaaneysa xilli wali ay bannaan yihiin boosas saddex wasaaradood oo kala ah Wasaaradda arrimaha Dibadda, Wasaaradda Amniga iyo Wasaaradda Haweenka iyo Qoyska.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Labo sano ka dib Maxaa ka hirgalay balanqaadyadiii Madaxweyne Farmaajo..?!!

Caydiid Ali

Golaha Wasiirada Somalia oo ansixiyey heshiisyo lala galay dowlada Qatar (Sawirro)

Caydiid Ali

Aqalka sare oo ka hadlay sababta ay uga baaqdeen furitaanka kalfadhiga Baarlamanka (Akhriso)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---