Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Golaha Wasiirada Somalia oo ansixiyey heshiisyo lala galay dowlada Qatar (Sawirro)

a’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali  Khayre ayaa maanta guddoomiyay shirka golaha wasiirrada.

Shirka ayaa looga hadlay u diyaar garowga iyo qaban-qaabada maalamha xorriyadda dalka iyo midnimada, waxaana warbixin laga dhagaysay guddigii dhawaan uu Ra’iisul Wasaare Khayre u magacaabay  ka shaqaynta munaasabadaha muhiimka u ah ummadda Soomaaliyeed.

Kulanka ayaa sidoo kale waxaa warbixin looga dhagaystay wasaaradda amniga gudaha oo soo bandhigtay horumarrada laga gaary sugidda amniga mawaadiniinta Soomaaliyeed iyo qorshaha lagu horumarinayo.

Golaha ayaa meel mariyay Heshiisyada dhiirri gelinta  iyo ilaalinta maal-gashi  iyo dhaqaalaha iyo farsamada ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Qatar oo ay golaha usoo gudbisay wasaaradda qorshaynta, maal-gashiga iyo horumarinta dhaqaalaha.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidanka Kumandoska Danab oo weeraray degaanka Wayaanta

Caydiid Ali

Wasiir katirsan Koonfur Galbeed oo raali gelin ka bixiyay Hadal carro badan abuuray

Cabdi Cade

Xildhibaan isaga oo cabsan gaari kaxeeyay oo is casilay raaligelina bixiyay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---