Ra’isul Wasaare Xamse oo shaaciyay hal arrin oo xukuumadiisu xoogga saareyso (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in Xukuumaddiisu ay xoogga saareyso la dagaallanka waxa loogu yeero musuq maasuqa.

Xamse Cabi Barre oo ka hadlayey shirka Aggaasimeyaasha iyo Maareeyeyaasha Guud ee Dowladda ayaa sheegay in Xukuumadda uu hoggaamiyo ay mudnaan gaar ah siineyso isla-xisaabtanka iyo la dagaallanka musuq maaasuqa.

Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya ayaa faray Agaasimayaasha in ay ka miro-dhaliyaan qaraarkii Xukuumadda Dan-Qaran ee adkaynta hufnaanta maamulka iyo maareynta, kaas oo si cad u qeexayey ciribtirka musuqa.

Hadalka Ra’isul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya ayaa kusoo aadaya xilli marar badan madaxda dowladda ku cel celiyeen in ay la dagaallamayaan musuq maasuqa, waxaana wali hay’addaha dowladda ka dhax jira musuq maasuq baahsan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -