Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dil caawa ka dhacay degmada Xamar jajab iyo faahfaahino ka soo baxaya

Wiil dhalinyaro ahaa ayaa caawa lagu dilay meel ku dhaw xarunta degmada Xamar Jajab ee magaalada Muqdisho ka dib markii uu rasaas ku furay askari ka tirsan ciidanka dowladda.

Goob joogayaal ayaa sheegay in dilkan uu yimid kadib markii dagaal gacan hadal ah uu dhexmaray wiilka la dilay iyo wiil kale, waxaana iyagoo is heysta goobta soo maray askari ka tirsan saldhigga booliska oo wadada marayay kaasoo ku riday xabad uu doonayay inuu ku kala celiyo balse waxay madaxa ka haleeshay mid ka mid ah dhalinyaradaasi oo goobta ku qurbaxay.

Askariga dilka geystay ayaa ku baxsaday mooto Bajaaj ka hor inta aysan ciidamada ammaanka halkaasi gaarin.

Guddoomiye ku-xigeenka dhanka ammaanka iyo siyaasada degmada Xamar Jajab Cusmaan Maxamed Fiidow ayaa sheegay in ciidamada ammaanka ay ku daba jiraan gacan ku dhiiglaha  baxsaday.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Xukunno kala duwan oo lagu riday Masuuliyiin iyo saraakiil u xirnaa Musuq maasuq (Magacyada)

Cabdi Cade

Magdhaw la siiyay nin lagu qasbay in uu garab seexdo meydka xaaskiisa (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Daalibaan oo Shaacisay War cusub kadib markii ay la wareegeen talada Afgaanistan

Cabdi Cade
Taboola Ads ---