Daalibaan oo Shaacisay War cusub kadib markii ay la wareegeen talada Afgaanistan

Dagaalyahanada kooxda Daalibaan ayaa si buuxda ula wareegay awooda dalka Afgaanistan, kadib markii gudaha u galeen Madaxtooyada dalkaasi uu isaga cararay Madaxweynihii dalkaasi Ashraf Qaani.

Daalibaan ayaa maalmo yar gudaheed la wareegtay guud ahaan dalka Afgaanistan, waxa ayna shalay gudaha u galeen magaalada Kabul iyagoona xalay ku hoydeen hogaankooda Madaxtooyada looga arimiyo dalkaasi.

Afhayeenka xafiiska siyaasadda ee Taalibaan Mohammad Naciim, ayaa sheegay in dagaalkii ka socday dalka Afgaanistan uu markan soo dhamaaday, waxa uuna xusay in ay maanta guranayaan miraha halgankii ay kusoo jireen mudo 20-sano ah.

”Illaahay baa mahad leh, dagaalku waa ka dhammaaday dalkan, maanta waa maalin ku weyn shacabka Afghanistan iyo mujaahidiinta. Waxay goobjoog u ahaayeen miraha dadaalkooda iyo naftooda oo ay u hureen 20 sano” ayuu yiri Mohammad Naciim.

Sargaalkan katirsan Daalibaan ayaa sheegay in aysan ogolaan doonin in mar kale dad kale dalkooda u adeegsadaan goob dagaal, waxa uuna xusay in dhankooda aysan dooneyn in cid kale waxyeelo u geestaan ama ku duulaan.

Kooxda Daalibaan ayaa sidoo kale sheegtay in hogaankooda ay isaga kala imaanayaan gobolada dalka ayna fursad siinayaan ciidamada Shisheeye ee dalka ku sugan in ay ka baxaan kadibna ay dhisi doonaan dowlad Islaami ah.

Ciidamada Afganaistan oo ka badnaa 300,000 kun askari ayaa si fudud ku kala daatay, waxaana ka awood badnaaday oo dalka oo dhan si fudud ku qabsaday dagaalyahanada Daalibana oo la sheegay in aysan dhameyn 100-kun oo dagaalyahan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -