Allbanaadir.com
NEWS

Qarax lagu burburiyey Booyad ay lahaayeen ciidamada Puntland oo ka dhacay..

Qarax ka dhacay magaalada Boosaaso ayaa lagu burburiyay booyadii biyaha u dhaamin jirtay ciidamada PMPF maamulka Puntland.

Wararka ayaa sheegaya  in Qaraxa oo ahaa miino dhulka lagu aasay uu gebi ahaanba burburiyay booyaddaas.

Waa qaraxii labaad oo 24 saac gudahood ka dhaca Boosaaso.

Ilaa saddex ruux ayaa ku dhintay qarax shalay ka dhacay goob lagu qayilo halka ay ku dhaawacmeen ku dhawaad 10 kale

Waxaa Boosaaso ka socday todobaadyadii u dambeeyey qaraxyo lagu beegsanayo xarumaha ganacsiga iyo meheradaha la isugu yimaado kuwaasoo khasaare  kala duwan geystay

Related posts

Ma ku saxnaa Farmaajo xilka ka qaadista Sarkaal labo cisho ka hor iscasilay?

Caydiid Ali

Wasiirka Gaashaandhigga Talyaaniga oo Muqdisho ku sugan (Sawirro)

Caydiid Ali

Mareykanka & DF oo War cusub ka soo saaray wejiga labaad ee howlgalka Al-Shabaab

Caydiid Ali
Taboola Ads ---