Madaweyne Qoorqoor iyo wafdi uu horkacayo oo gaaray Garowe (Sawirro)

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Garoowe ku soo dhoweeyey wefti Balaadhan oo uu hogaaminayo Madaxweynaha Dowladda Galmudug Axmed Qoorqoor

Madaxweynaha Dowladda Galmudug iyo weftigiisa waxay ka qayb-geli doonaan Caleema-saarka Madaxda Puntland, kaasi oo Garoowe ka qabsoomidoona 25, Janaayo, 2024 o beri ku beegan.

Madaxda Hirshabelle iyo Koonfur Galbeed ayaa horey ugu sugnaa magaalada Garowe.

Magaalada Garowe ayaa la ciirciireysa wufuud ka kala timid gobolada Somaliam siyaasiyiin, iyo qeybaha bulshada kuwaasoo lagu casuumay ka qeyb galka caleemo saarka Madaxweyne.

Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe ayaa ka baaqday Munaasabadda Caleema-saarka, halka dhinaca kale aysan weli caddayn inuu tagayo doono Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ku maqan safar dibeda ah inkastoo Villa Somalia ay horey u sheegtay inuu ka qeyb galayo

Meqaamka Caleema-saarka Madaxweyne Deni ayaa si weyn uga hoos maray heerkii la filayay, kadib markii ay ka cudur-daarteen madax badan oo lagu casumay.

Wararka ayaa tilmaamaya in badi Siyaasiyiinta Mucaaridka ku ah dowladda Federaalka Soomaaliya ee fadhigoodu yahay Muqdisho oo lagu marti-qaaday Caleema-saarka Madaxweyne Deni ayaan imaan Xafladda.

Inta badan siyaasiyiinta Mucaaridka ah ee ku sugan Puntland ayaa sidoo kale ka cudur-daartay in ay ka qayb galaan Caleema-saarka Madaxweyne Deni, taasoo muujinaysa sida loogu kala fogaaday doorashadii uu mar kale ku guulaystay Siciid Deni ee 8 Jan 2024.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo qaar ka mid ah Ra’iisul Wasaarayaashii soo maray dalka oo casumaad loo diray ayaa dhankooda ka cudur-daartay imaatinka Caleema-saarka Madaxweyne Deni, sida ay sheegayaan warar lagu kalsoon yahay.

Tiradii ugu badnayd ee isimada dhaqanka Puntland, oo ay ku jiraan kuwa kuraas xildhibaanno laga dhacay ayaa sidoo kale ka gaabsaday aqbalaadda marti-qaadka Xafladda Caleema-saarka Madaxweyne Deni.

- Advertisement -