NETHERLAND: Hay’adda Jamaal Foundation oo tababar soo xirtay (VIDEO NEWS)

Aqoon is-weydaarsi ku saabsan ka hortaga gudniinka gabdhaha ayaa lagu soo gabagabeeyay maanta (23-01-2024) Magaalada Ermelo ee waddanka Netherland. 

Aqoon is-weydaarsigan oo ay ka soo qeybgaleen dad u dhashay waddamada Soomaaliya, Itoobiya, Eretereya, Ciraaq, Afghanistan, Siraliyoon, Siiriya & wadamo kale, ayaa soconayay 3 toddobaad, waxaana la isku weydaarsaday saameynta caafimaad & tan maskaxeed ee soo gaara gabdhaha la gudo xilliyada dhalmada & foosha.

Zahra Siyaad Naaleeye oo ah madaxa arrimaha bulshada u qaabilsan dalladda FSAN, oo maanta soo xirtay tababarkan ayaa sheegtay in loo baahan yahay dedaalo caalami ah oo lagu hakinayo caadadda gudniinka gabdhaha. 

“Dalkan (Netherland) waxaa ka mamnuuc ah in nuuc kasta oo gudniin ah lagu sameeyo gabdhaha, waalidiinta isku daya in ay gabdhooda dibedda ku soo gudaan waxeey mudanayaan xabsi dheer & ganaax lacageed” Ayeey tiri Zahra Naaleeye, oo muddo dheer la soo shaqeyneysay hay’adda isugu jira kuwa caalami ah & kuwa heer Dowladeed ah.

Zahra waxeey kaloo sheegtay in gudniinka gabdhaha uu dhibaato wayn ku hayo haweenka Soomaaliyeed loona baahan yahay in la dabar gooyo, iyada oo ka codsatay waxgaradka & culumaa’udiinka in ay bulshada ka wacyigeliyaan dhibaatooyinka caafimaad ee ka dhasha gudniinka; Sidoo kale Zarha waxeey ka codsatay Dowladda Soomaaliya in la dedejiyo sharciyada ka dhanka ah gudniinka gabadhaha ee yaala Baarlamaanka. 

Osman Abukar oo ka mid ah khabiirada loo tababaray ka-wacyigelinta bulshada ee gudniinka, ayaa dhinaciisa sheegay in gudniinka gabdhuhu aanu wax shaqo ah ku laheyn dhinaca diinta, ee uu yahay caado u baahan in la suuliyo. 

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA VIDOWGA TABABARKII 4-AAD. 

 

- Advertisement -