Xafiiska RW Xamse oo la wareegay howlihii Wasaarada Gargaarka (Sawirro)

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federalka Soomaaliya Mudane Salah Jama, ayaa goob joog ka ahaa munaasabad Xafiiska Ra’iisul Wasaaruhu kula wareegayey Gargaarka iyo Masiibooyinka oo horay Wasaarad u ahayd.

Wasiiru dawlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Mudane Xirsi Jaamac Gaani, ayaa Wasiirkii hore Gargaarka iyo Masiibooyinka ahna Wasiirka Haweenka iyo Xaquuqal Insaanka Marwo Khadiija Maxamed Diiriye kala wareegay taasi oo hoos imaanaysa Xafiiska Wasiirru dowlaha.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa tilmaamay in masiibooyinku yihiin wax laga ducaysto, balse mar walba ay tahay in laga diyaar garoobo, isagoo intaa raaciyay in Xukuumadda Dan-Qaran ahmiyad gaar ah siin doonto ka hortagga masiibooyinka.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa uga mahad celiyey Wasiir Khadiija Maxamed Diiriye, shaqadii ay Wasaaradda ka soo qabatay muddadii ay hoggaaminaysay, isagoo Wasiiru-dawlaha Alle uga baryey inuu u fududeeyo masuuliyadda culus ee loo igmaday.

Todobaadkii hore ayaa Xafiiska ergayga gaarka ah ee Madaxweynaha Cabdiraxmaan isku dayay inay la wareegaan deeqdan, maadaama la baabi’iyey Wasaaradii Gargaarka, balse RW Xamse ayaa diiday arrintaas. isagoo howlihii wasaaradaas ku wareejiyey Wasiiru dawlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Mudane Xirsi Jaamac Gaani.

- Advertisement -