Macalinkii Koobka u qaaday Xulka Jubbaland oo lagu bahdilay Garoonka Aadan Cadde

Macalinkii Xidigaha Maamulka Jubbaland u horseeday in ay ku guuleestaan Tartankii ciyaaraha maamul goboleedada dalka ee ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa lagu bahdilay garoonka Aadan Cadde .

Waxaa shalay garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde la geeyay Macalinka iyo Ciyaartoyda maamulka Jubbaland kuwaa oo dib ugu laabanayay magaalada Kismaayo, hasa ahaatee waxaa Diyaarada Kismaayo kusii jeeday laga reebay Macalinkii xulka Jubbaland.

Macalin Bishaar Cali Axmed ayaa sheegay in isaga iyo ciyaartoyda Jubbaland la geeyay garoonka Aadan Cadde balse la bahdilay si aan munaasib aheyn looga reebay diyaaradii kooxda Jubbaland raacayeen.

Waxa uu sheegay macalinka Ciyaartoyda Jubbaland in isaga iyo ciyaartoy laga keenay gobolka Gedo looga tagay Garoonka Aadan Cadde, waxa uuna ku eedeeyay in tilaabadaasi foosha xun uu ka dambeeyay Wasiirka ciyaaraha Jubbaland.

Macalinkii Koobka u qaaday Xulka Jubbaland ayaa sheegay in uu iska ilmeeyo marka uu soo xasuusto waxii lagu sameeyay, waxa uuna xusay in Madaxweynaha Jubbaland iyo kuxigeenkiisa lasoo xariireen kana raali galiyeen gefkii loo geestay.

Ciyaaryahan hore Bishaar Cali Axmed ayaa waqti badan ku bixiyay diyaarinta iyo tababarida ciyaartoyda Jubbaland, waxa uuna sheegay Macalinkii in afar bilood uu ka maqnaa caruurtiisa iyo labo xaas uu qabo isaga oo xooga saarayay sidii ay Jubbaland u guuleysan laheyd.

Ciyaartoyda Jubbaland oo wata koobkii ay ku guuleesteen ayaa shalay si diiran loogu soo dhaweeyay magaalada Kismaayo, hasa ahaatee dad badan ayaa si weyn uga carooday in Macalinkii koobka u qaaday Xulka Jubbaland in looga soo tago garoonka Aadan Cadde.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -