Raisul Wasaarihii hore oo si adag uga hadlay hab dhaqanka Madaxweyne Farmaajo

Ra’isul wasaarihii hore ee Somalia Xassan Cali Khayre ayaa markii ugu horeysay si kulul u weeraray hab dhaqanka Madaxweyne Farmaajo iyo kiiska xasarada abuuray ee Ikraan Tahliil

Khayre ayaa talaabooyinka uu qaaday maalmahan Farmaajo ku tilmaamay kuwo dib u dhac iyo   sharaf xumo ku ah  dowladnimada curdunka ah iyo geeddi socodka doorashooyinka.

HOOS KA AKHRISO QORAAL UU SOO SAARAY KHAYRE OO SIDAN KU BILOWDAY:-

Waxaan ka walaacsanahay xaaladda adag ee dalkeennu ku jiro iyo qilaafka sii xoogeysanaya ee u dhaxeeya madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo ra’iisul-wasaaraha xil-gaarsiinta ah Maxamed Xuseen Rooble.

Waraaqda maanta ka soo baxday xafiiska madaxwaynaha waqtigiisu dhammaaday waa mid aan dan u ahayn xaaladda kala-guurka ah ee dalku ku jiro, islamarkaana qalqal gelineysa xasilloonida dalka iyo habsami u socodka doorashooyinka.

Waxaan ugu baaqayaa Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Ra’iisulwasaaraha xil-gaarsiinta in ay dardar geliyaan habsami u socodka doorashooyinka, si dalka looga badbaadiyo qalalaase siyaasadeed iyo dib u dhac amni.

Madaxda maanta talada dalka haysa waa in ay u hoggaansamaan dastuurka, ilaaliyaanna madaxbannaanida hay’adaha madaxa bannaan sida garsoorka, hanti-dhowrka iyo bangiga dhexe.

Sida ku cad dastuurkeenna, Waa in xuquuqda muwaaddinka loo ilaaliyo si buuxda. Sidaas daraaddeed waa in kiiska Ikraan Tahliil looga dambeeyaa hay’adaha garsoorka si  iyada, waalidkeed iyo shacabka Soomaaliyeedba  u helaan caddaalad waafi ah.

Qoraalka ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday waxaa uu dib u dhac iyo   sharaf xumo ku yahay  dowladnimadeenna curdunka ah iyo geeddi socodka dib loogu xoojinayo  hay’adaha dawladeenna.

Lama aqbali karo saxna ma aha in caddaalad u raadinta muwaaddinadan Soomaaliyeed dood la geliyo oo la iska indho-tiro xadgudubka loo geystay. Waa inaan si mideysan uga hor-tagno shaqsi kasta ee diiddan kiiska Ikraan oo hadda hor-yaal caddaaladda.

Ugu dambayntii waxaan beesha caalamka oo Soomaaliya la garab-taagan hiil ugu baaqayaa in aanay ka niyad jebin xaaladda dalka balse ay nagala shaqeeyaan sidii loo hirgelin lahaa doorashooyinka dalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -