Itoobiya iyo Somaliland oo ka hor yimid warkii ka soo baxay ururka Jaamacada Carabta

Dowlada Itoobiya & Maamulka Somaliland ayaa ku gacan seyray bayaankii ka soo baxay Jaamacada Carabta ee lagu taageeray midnimada iyo madax banaanida Dhuleed ee Somalia ka dib heshiiskii dhexmaray Itoobiya iyo Somaliland.

Itoobiya waxay sheegtay in ay ‘diiday’ go’aankii ka soo baxay Ururka Jaamacadda carabta ee quseeyay xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya ka dhaxaysa.

War ay soo saartay wasaaradda arimaha dibadda ee Itoobiya, ayaa si adag waxay u diideen dhamaan qodobadii ka soo baxay shirka oo ahaa mid aan caadi ahayn oo ay isugu yimaadeen wasiirada arimaha dibadda ee dawladaha ururka.

Wasaaradda ayaa waxay ku tilmaamtay qodobada ka soo baxay shirka, “Isku day faraglineed oo la doonayay in la faragaliyo arimaha gudaha iyo madaxbanaanida dalka Itoobiya

Afhayeen Wasaaradda Males Alem, ayaa sheegay in go’aanku yahay ‘mid aan la aqbali karin’, Itoobiyana iska diiday. Sidoo kale wuxuu dhaliil u jeediyay wasiirka arimaha dibadda ee Masar. Wuxuu ku dhaliilay hadalkii ka soo yeeray ee ahaa in itoobiya ay xasilooni darro aan loo baahneyn ka abuureyso gobolka oo ay xaalka uga sii darayso.

Somaliland ayaa dhinaceeda sheegtay in warkii ka soo baxay kulankii ururka jaamacadda Carabta uu yahay mid aan cadaalad ahayn, kana soo horjeeda xuquuqdeeda madaxbanaanida.

War ay soo saartay Somaliland ayay ku sheegtay inay ka soo horjeedo qodobada ka soo baxay shirka.

Warkan ayay Somaliland ku dooday in go’aanka madaxbanaanida Somalland uu yahay mid aan wadahadal laga galin Karin.

“Dadka reer Somaliland, waxay diyaar u yihiin in ay sii wadaan halgankooda si ay u gaaraan yoolkooda, iyada oo aan loo eegayn waxa ay ku kacayso iyo inta qaadan doonto intaba,” ayay Somaliland ku tiri warkan ay soo saartay.

Shalay waxaa shir ay yeesheen Ururka Jaamacadda Carabta looga arrinsaday laba arrimood oo kala ah; xaalka Falastiin iyo xiisadda Itoobiya iyo Soomaaliya ka dhex aloosan.

Shirkaas oo uu ka soo baxay war-murtiyeed ayaa wadamada ku bahoobay Ururka waxay isla garteen,

1.In la xoojiyo taageerada amni, xassiloonida, midnimada, madax-banaanida iyo wadajirka dhulka Soomaaliya isla markaana Soomaaliya ay xaq u leedahay inay si sharci ah ku difaacdo dhulkeeda.

  1. In ururku si buuxda u taageerayo mowqifka dawladda Soomaaliya ee ku aadan heshiiskii is-afgarad ee Itoobiya iyo Somaliland.

3. Inay ku taageerayaan Soomaaliya inay arrintan u gudbiso Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda Adduunka.

 

- Advertisement -