Allbanaadir.com
NEWS

Duqa Muqdisho iyo Pier Mario Daccò oo kormeer ku tagay Casa Italia oo dib loogu wareejiyay (Sawirro)

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Aqalka dowladda Hoose ee Xamar ku qaabilay Safiirka dowladda Talyaaniga u fadhiya Dalka Soomaaliya Danjire Pier Mario Daccò Coppi.

Duqa Muqdisho iyo safiirka ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dhinac, iskaashiga dowladdaha Hoose ee Talyaaniga iyo dowladda Hoose ee Muqdisho.

Sidoo kale Duqa Muqdisho iyo Danjire Pier ayaa ka wada hadlay sidii ay dowladda Talyaaniga dib-u-dhis ugu sameyn laheyd dhismooyinka ay ku leeyihiin Magaalada Muqdisho.

Labada masuul ayaa si wadajir ah kormeer ku wada tagay dhismaha Casa Italia, oo dhawaan dib loogu wareejiyay dowladda Talyaaniga, halkaas oo la filayo in Talyaaniga ay ka hirgeliyaan dugsi farsamo oo gacanta ah.

Related posts

(Daawo Sawirro) Maxay ka wada hadleen Ing. Yariisow & Madaxda Waaxyaha G/Banaadir?

Caydiid Ali

Puntland oo shaacisay in xogta dagaalka ay wadaan aysan ku aamini karin DFS sababo la xariira in…

Cabdi Cade

Howlgal lagu laayay xubno badan oo katirsan Daacish oo saakay socda

Cabdi Cade
Taboola Ads ---