Dowlada Soomaaliya oo mar kale dib u dhigtay furitaanka duulimaadyada gudaha

Wasiirka Gaadiidka iyo duulista hawada ee Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad (Oomaar) ayaa sheegay in mar kale dib loo dhigay furitaanka duulimaadyada gudaha.

Isagoo Warbaahinta kula hadlayey magaalada Muqdisho ayuu Wasiir Oomaar sheegay in sabab la xiriirta iyadoo laga taxadarayo faafitaanka cudurka Covid-19 dib loo dhigay mar kale furitaanka duulimaadyada.

“Iyadoo laga taxadarayo in cudurka COVID-19 oo marxalado kala duwan maraya waddanka gudihiisa dib loo soo celiyo meelo uu ka yaraaday ama uu gaaro meelo uusan illaa hadda gaarin ayaa dib loo yara dhigay duulimaadyada gudaha” ayuu yiri wasiir Oomaar oo aan sheegin xilliga rasmiga ah ee dib loo furayo.

Dabayaaqadii Bishii Maarso ee sanadkan ayaa Wasaaradda Gaadiidka iyo duulista hawada waxay ku dhawaaqday in la joojiyay duulimaadyada ka dib markii kiisaskii ugu horeeyay ee Coronavirs xilligaas laga helay Soomaaliya.

Bishan bilowgeedii ayaa la hadal hayay in dib loo furayo duulimaadyada gudaha, iyadoo dowladda Soomaaliya ay dhowr jeer dib u dhigtay qorsheyaal la doonayey in dib loogu bilaabo duulimaadyada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -