Allbanaadir.com
NEWS

Dowladda Jabuuti oo ka hadashay Go’aanka Koonfur Afrika ICJ uga dacweysay Israa’iil

Dowladda Jabuuti ayaa si weyn usoo dhaweysay go’aanka dowladda Koonfur Afrika ku dacweysay maamulka Israa’iil oo ciidankiisa xasuuq ba’an ka geestay magaalada Gaza ee dhulka reer Falastiin.

Qoraal kasoo baxay dowladda Jabuuti ayey kusoo dhaweysay kuna taageertay kiiska dacwada ka dhanka ah maamulka Israa’iil ee dowladda Koonfur Afrika horgeysay maxkamadda Caddaaladda ee ICJ.

“Waxaan hambalyeynaynaa go’aanka Dowladda koonfur Afrika, kaas oo wax weyn ka badali doono dagaalka ka socda dhulka Falastiiniyiinta. Waxa aan rajeyneyna inuu soo gabagabeeyo xasuuqa ka socda Qaza ka oo aay gaysanayan Israa’iil” ayaa lagu yiri warka dowladda Jabuuti kasoo baxay.

Maxkamadda ICJ ayaa bilowday dhageysiga dacwad ka dhan ah maamulka Israa’iil, waxaana dacwadan oo ah mid xad-gudub iyo tacadiyo ciidamada Israa’iil ka geesteen magaalada Gaza ay wali shacab ku leynayaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Haabiil Axmed Cabdullaahi oo lagu dilay Canada iyo Hubkii lagu dilay oo la helay

Cabdi Cade

Madaxda dowlad goboleedyada oo looga digay iney soo fara geliyaan khilaafka Galmudug

Caydiid Ali

Dacwad la xiriirta dayuuradii burburtay oo lagu soo oogay shirkadda Boeing

Caydiid Ali
Taboola Ads ---