Jidadka Muhiimka ah ee Muqdisho intooda badan oo saaka xiran & amniga oo la xoojiyey

Wadooyinka waaweyn ee magaalada Muqdisho intooda badan ayaa saaka xiran, iyadoo uusan jirin wax gaadiid ah oo isticmaalaya.

Jidadka ayaa sida la sheegay saaka loo xiray sababo la xiriira iyadoo maanta ay ku beegan tahay xuska sanadguuradii koowaad ee ka soo wareegtay qaraxii Zoobe oo dhacay 14-kii October ee sanadkii hore.

Ciidamada ammaanka dowladda oo ku hubeysan gaadiid dagaal iyo hub kale oo culus ayaa la soo dhoobay jidadka xiran, iyagoo meelaha qaar baaraya dadka cagtooda maalaya.

Madaxda dowladda ayaa la filayaa iney tagaan isgoyska Zoobe si ay uga qeyb galaan salaad janaaso wadareed iyo xus oo loo sameynayo dadkii shacabka ahaa ee lagu laayay qaraxii ka dhacay goobtaas.

Dowlada oo maalmihii la soo dhaafay qaban-qaabo xoogan ugu jirtay xuska munaasabadan ayaa Isgoyska Zoobe ka taagtay taalo lagu qoray 14-ka October oo lagu xusuusanayo dadkii shacabkii ku dhamaaday qaraxaas.

Ugu yaraan waxaa ku geeriyooday qaraxaas dad ka badan shan boqol oo qof halka ay ku dhaawacmeen tiro kale oo intaas ka badan, wuxuuna ahaa qaraxii ugu weynaa uguna khasaaraha badnaa abid ee ka dhaca magaalada Muqdisho, waxayna masiibadaas noqotay mid uurku taalo iyo nabar xun ku reebtay quluubta shacabka Soomaaliyeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -