Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Mid ka mid ah raggii ka qeyb qaatay Weerarkii 14kii Oktoobar oo Xukun dil ah lagu fuliyey

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa saaka fagaaraha Iskool Buluusiya ee magaalada Muqdisho ku toogatay Xasan Aadan Isaaq Cali oo lagu eedeeyay inuu ka qeyb qaatay weerarkii 14kii Oktoobar ka dhacay caasimada dalka.

Xasan Aadan Isaaq Cali ayaa lagu xukumay dil ka dib markii lagu helay inuu waday gaari NOAH-ah oo waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyey oo ciidamada ammaanku ay ku qabteen xaafada Buula Xuubey ee degmada Wadajir, maalinkii uu dhacay qaraxii Zoobe.

Xeer ilaliye ku-xigeenka Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya Kabtan Muumin Xuseen C/laahi oo dilka kadib warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in xukunka uu u dhacay sidii loogu tala galay.

Fulinta xukunkan ayaa lagu soo beegay xili maanta ay ku beegan tahay 14ka Oktoobar oo ku aadan sanadguuradii koowaad ee ka soo wareegtay qaraxii Zoope oo ay ku naf waayeen boqolaal qof oo shacab ah halka boqolaal kale ay ku dhaawacmeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Ibraahim Bursaliid & rag lala xiray oo ka soo muuqday Maxkamad ku taalla Nairobi

Caydiid Ali

Dowlada Soomaaliya oo ka War heysa Lacagaha Ganacsatada siiyaan Al Shabaab

Cabdi Cade

(Akhriso) Dowlad degaanka Soomaalida oo shaaciyay in la soo afjaray weerarkii Al-Shabaab

Caydiid Ali
Taboola Ads ---