Allbanaadir.com
NEWSSOUTH WEST

Dhimashada qaraxyadii Baydhabo oo sii kordheysa & Mukhtaar Roobow oo.. (Daawo Sawirro)

Sida ay sheegayaan wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo waxaa sii kordheysa tirada dadka ku naf waayey qaraxyadii xalay maqribkii ka dhacay magaaladaas.

Sida ay masuuliyiin xaqiijiyeen 22 qof ayay gaartay dad ku dhintay qaraxyadaas, dhowr iyo soddon kalena waa ay ku dhaawacmeen qaraxyadii shalay oo ka dhacay maqaayad iyo hotel ku yaallo magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.

Labo nin oo soo xirtay jaakado laga soo buuxiyey waxyaabo qarxa ayaa isku qarxiyey labada goobood oo shacab fara badan ay joogeen.

Warsaxafadeed xalay laga soo saarey madaxtooyada dowlada Federalka ee Soomaaliya ayaa lagu cambaareeyey qaraxayadaasi, iyadoo madaxweyne Farmaajo uu ugu baaqay xukuumada inay u fidiso gurmad deg deg ah dadka ugu darran ee qaraxaasi uu saameeyey.

Dhinaca kale, Mukhtaar Roobow Abu Mansuur ayaa Isbitaalka ku booqday dadka ku dhaawacmay qaraxyadii Baydhabo isagoo si kulul u cambaareeyey weerarkaas oo ay sheegatay kooxdii uu ka tirsanaan jiray ee Al-Shabaab.

“Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa ehaladii iyo qaraabadii ay ka geeriyoodeen dadkii ku dhintay qaraxyadii ka dhacay Magaalada Baydhaba, Walaalayaal waxaan ku baaqayaa dhamaanteena in loo gurmado walaalaha dhibaatadu gaartay” ayuu yiri Roobow.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Weriyaha CNN: “Waxaan indhahayga ku arkay taangiyada Israel oo shacab leynaya”

Caydiid Ali

Dowlada Somalia oo soo saartay amar lagu soo xirayo Ganacsatada Muqdisho qaarkood (Akhriso)

Caydiid Ali

Sida lagu ogaaday Halkii uu ku sugnaa Ayman al-Zawahiri iyo cida xogtiisa lala wadaagay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---