Allbanaadir.com
NEWS

Dhageysiga Dacwad ay dowlad Afrikan ah ka gudbisay Isra’Iil oo maanta ka bilaabneysa Maxkamadda ICJ

Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda ee loo soo gaabiyo ICJ, ayaa maanta oo Khamiis ah bilaabeysa dhageysiga dacwad ka dhan ah ciidamada maamulka Israa’iil ee xasuuqa ka wada magaalada Gaza.

Dacwaddan waxaa gudbisay dowladda Koonfur Afrika oo ka carrootay tacadiyada Israa’iil u geesaneyso shacabka Falastiin, waxa ayna ku eedeysay Israa’iil in dambiyo dagaal gashay ayna jabisay heshiisyada caalamiga ah ee dhowrista xaquuqda shacabka.

Dowladda Koonfur Afrika ee dacwada u gudbisay maxkamadda ICJ ayaa ayaa ugu baaqday garsoorayaasha maxkamadda in ay Israa’iil ku amraan, in ay si deg deg ah u joojiso howlgallada millatari ay kawadaan magaalada Gaza.

Maamulka Israa’iil ayaana gabi ahaan beenisay eedeymaha ka dhanka ah ee loo gudbiyay maxkamadda ICJ, waxa ayna Israa’iil sheegtay in maxkamadda u dirtay koox qareeno ah si ay uga difaacaan dambiyada lagu soo eedeeyay.

Dacwaddaan laga gudbiyay Israa’iil waxaa taageeray dowladaha Brazil iyo Colombia, waxaana la filayaa in dacwadan socoto muddo sannado ah, iyadoona qeybteeda hore ee dhageysiga dacwada socon doonta maanta iyo berri.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Hey’adda Hormuud oo Deeq raashiin gaarsiisay qoysaskii ka barakacay Guriceel (Sawirro)

Cabdi Cade

Dad badan oo Muhaajiriin ah ku dhintay Doon ay la socdeen oo ku degtay Madagascar

Cabdi Cade

Madaxweyne Guudlaawe oo Dhagax dhigay Garoon diyaaradeed oo laga dhisayo Matabaan (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---