Dad badan oo Muhaajiriin ah ku dhintay Doon ay la socdeen oo ku degtay Madagascar

Dooni ay la socdeen dad muhaajiriin ah oo doonayay in ay galaan Qaarada Yurub ayaa ku degtay xeebta degmadda Ankazomborona ee Waqooyiga dalka Madagascar, waxaana doontan degtay ku dhintay muhaajiriin badan.

Inta la xaqiijiyay 22-qof oo muhaajiriin ah ayaa ku dhintay doontan ku degtay xeebta dalka Madagascar , waxaana wali baadi-goob loogu jiraa dad kale oo kamid ahaa muhaajiriinta oo nolol iyo geeri warkooda aan la heyn.

War kasoo baxay hay’adda baddaha iyo webiyada dalka Madagascar ayaa lagu sheegay in doonta degtay ay la socdeen 47 muhaajiriin ah, waxa ayna kusii jeedeen muhaajiriintan doonta la degtay Jesiirada Mayotte oo uu maamulo Faransiiska.

Sarkaal ka tirsan booliska Madagascar  ayaa sheegay in inta badan muhaajiriinta markii la soo badbaadiyey ay baxsadeen, iyagoo ka baqanayo in loo xiro isku-daygooda ku aadan inay u safraan Jesiirada Mayotte ee Faransiiska ku leeyahay Badweynta Hindiya.

Muhaajiriin badan ayaa dhintay sannadkan cusub iyaga oo isku dayaya in ay galaan qaarada Yurub, muhaajiriintan oo sifo sharci darro ah ku safrayay ayaa ku dhintay badda, kaddib markii ay la degtay doonyo ay la socdeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -