Dibad-bax weyn oo runta loogu sheegay Itoobiya oo ka dhacay Muqdisho (Daawo Sawirro)

Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka dhacay dibad-bax aad u weyn oo looga soo horjeeday xad-gudubka Itoobiy ku dooneyso in ay ku hesho qeybo kamid ah biyaha Soomaaliya.

Wasiirro katirsan xukuumadda ,guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo masuuliyiin kale ayaa kumanaan ka tirsan shacabka caasimadda kala qeybgalay banaan-baxyo waa weyn oo maanta ka dhacay Muqdisho, kaasi oo lagu diidan yahay damaca dowladda Ethiopia iyo Heshiis beenaadka ay la gashay Muuse Biixi.

Dibadbaxayaasha oo socod kusoo maray qeybo ka tirsan wadooyinka Caasimadda, ayaa isugu yimid Isgoyska KM4 iyo barxada Taalada Daljirka Dahsoon, halkaasi oo ay kula hadleen Wasiiro, Xildhibaano, Culuma’udiin, Odayaal dhaqan iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho.

Masuuliyiintii iyo dadkii kala duwanaa ee ka hadlay dibad-baxa ayaa Itoobiya u sheegay in aan marnaba laga aqbali doonin in xoog iyo xeyladba ku qaadato biyaha Soomaaliya, waxa ayna ugu baaqeen Itoobiya in ay ka laabato heshiis beenaadka ay la gashay Somaliland.

Sidoo kale qeybaha kala gedisan ee shacabka oo watay boorar ay ku muujinayeen in aan marnaba la aqbali karin xad-gudub lagu soo sameeyo dhulka Soomaaliya, isla markaana ugu baaqay dowladda Ethiopia in ay ka fiirsato talaabooyinka qaldan oo ay qaadeyso.

default

default

- Advertisement -