Heyadda Culimada Soomaaliyed oo soo saartay bayaan xasaasi ah oo ka dhan ah..

Maanta oo ay tariikhdu tahay 28/06/1445 , kuna beegan 10/01/2024 waxaa hotel-ka SYL ee magaalaada Mogadishu ka qabsoomay shir ay isugi yimaadeen culimada Soomaaliyeed, kaas lagu qaadaa dhigay mowduucyada kala ah:

  1. Muhiimada ay leedahay difaacidda dalka sida Badda, Berriga iyo Hawadiisa; maadaama uu yahay Dal Muslim ah.

T.Aragtida Sharciyeed ee ku aadan Iibinta, kireynta iyo  hibeynta, dhul Muslimiintu leeyihiin in lasiiyo  Gaalo

  1. Sidii loogu midoobi lahaa difaaca qaranimadda iyo madax banaanida Dalka iyo kaalinta hogaamineed ee kaga aadan Dowlada Soomaaliya.

Sidaas daraadeed, dood iyo falanqeyn dheer kadib kulanka culimada Soomaaliyeed oo ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimada ayaa Intaas kadib waxa kasoo baxay  qodobada hoos ku qoran:

1.Culumada somaaliyeed waxeey ku aamaaneysaa dowladda soomaaliyeed dadaalada eey ugu jirto difaaca dalka ayada oo ugu baaqeysa Dowlada  Federaalka Soomaaliya eey dardar galiso  waajib ka sharciga ah ee ka saran  difaaca Xuduudaha Dalka Dhul, Bad iyo Berriba , sidoo kalana waxeey ugu baaqayaan dhamaan maamulada iyo bulshada soomaliyeed ineey ku garab istaagaan dowlada somaaliaya difaaca dalka

2.In Bulshada Soomaaliyeed meel ay joogtaba u midowdo ka hortaga  faragalinta  iyo boobka lagu hayo gobanimada Dalka kana fogaadaan khilaafaadka siyaasiga ah, qabyaalada ku saleysan  iyo midka fikriga ahba, si loo ilaaliyo difaaca qaranimada  iyo madax banaanida Dalka.

3.Culimadda soomaliyeed waxeey ugu bogaadinayaan wadahadalada dib ugu bilaawday  dowladda federaalka iyo  maamulka Somaliland ayagoo kubaaqayaa in laga miradhaliyo wada hadaladaas si loo xaqiijiyo midnimada umada soomaaliyeed

4.In hoggaan dhaqameedka, ganasatada,  Culimada, Macalimiinta, bahda Saxaafada, abwaanada dhamaan  iyo aqoonyaahanka soomaaliyeed eey gacan ka geystaan abaabulka bulshada isla markaana uga digaan marin habaabinta lagu hayo Diintooda, Taariikdooda, Dhaqankooda iyo Xuduudahooda, kuna garab istaagaan dowladda soomaaliyeed difaaca dalka

5.In sigaar ah Dhalinyaradu  gutaan waajibka  ka saaran difaaca Qarannimada Soomaaliya, si la mid Dhalinyaradii  usoo dagaalamey kana qeyb qaatey halgankii goboanima-doonka Dalkeena  kana digtoonaadaan in looga faideysto kacdoonkooda si aan adegeeynin dalkeena, diinteeenaiyo dadeenaba

6.In shucuubta muslimka ah ee dagan Gobalka  geeska Afrika ku  baraarugaan gulufka gardarada ah ee Abey Axmed isaga hor keenayo shucuubta Muslimiinta, taas badalkeedna waa in shucuubta Muslimiinta iska kaashadaan maslaxada Diinkooda nabad iyo deris wanaagna ku wada noolaadaan.

(انما المؤمنون اخوة…..)

7.Culimadda Soomaaliyeed waxa ay ugu baaqayaan Dowladaha islaamka, Waddamada Carabta, urururada aan kawqada tirsanahay dhamaan caalamka intiisa kale ee nabadda jecel inay is garab taagaan Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed Siyaasad iyo amni ahaanba.

8.Ugu danbeyn Culimadda Soomaalyeed  waxay uga digayaan Dowlada Itoobiya natiijada qaraar ee ka dhalan karta   faragalinta iyo ku xadgudubka xuduuda Dalka Soomaaliya.

- Advertisement -