Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare Xamse oo telefoon kula hadlay dhigiisa Sheikh Mohamed d Sabaax

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo khadka teleefonka kula hadlay Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Kuwait, Shiikh Dr. Maxamed Sabaax Al-Salem Al-Sabaax.

Labada Ra’isul Wasaare ayaa wadahadlkooda inta uu socday ayaa waxay ka wada hadleen xoojinta xiriirka taariikhiga ah iyo iskaashiga ka dhaxeeya labada dal ee walaalaha ah Soomaaliya iyo Kuwait.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa dhiggiisa Kuwait ugu hambalyeeyay masuuliyadda culus ee loo igmaday, isagoo u rajeeyay in Allaah uu ku guuleeyo xilka. Waxaana uu hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay xoojinta iskaashiga labada dowladood ee Soomaaliya iyo Kuwait.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Toogasho saakay ka dhacday Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade

Shirkii Golaha amniga Qaranka oo maanta ka furmaya Muqdisho & Qodobada looga hadlayo

Caydiid Ali

Xassan Shiikh oo ka hadlay weerarkii lagu qabsaday Aden Yabaal

Caydiid Ali
Taboola Ads ---