Allbanaadir.com
NEWS

War cusub oo ka soo kordhay qaar ka mid ah weriyeyaashii lagu xiray Somaliland

Waxaa goor dhaweyd xabsiga laga sii daayay qaar ka mid ah weriyeyaashii ciidamada amaanka Somaliland ku xirxireen Magaalada Hargeysa

Wariyeyaasha la sii daayey ayaa kala ah Maxamed Cabdi Cabdilahi (Andar) iyo Ilyaas Cabdinaasir oo ka tirsanaa shaqaalaha MM TV iyo Xamse Fu’aad oo ka tirsan Shaqaalaha Capital Lounge kuwaasoo mar laga wada xidhay xarunga MMTV.

Xabsiga waxaa weli ku jira Weriye Maxamed Ilig oo ah Guddoomiyaha MMTV kaasoo aan la ogeyn sababta loogu sii hayo xabsiga.

Weriyeyaashan oo aan wax maxkamad ah la soo taagin ayaa la xiray xili ay ku guda jireen daadhinta barnaamij dood ah oo ku saabsanaa  damaca Itoobiya ee badda Somalia iyo heshiis ay kala saxiixdeen Muuse Biixi iyo Abiy Ahmed.

Wasaaradda warfaafinta dowlada Somalia ayaa ku eedeysay maamulka Somaliland caburin iyo xarig ay ku heyso suxufiyiinta iyo dadka ka soo horjeeda heshiiskii ay dhowaan la gashay Itoobiya ee la isku dhaafsanayey dhul badeedka iyo aqoonsiga.

Related posts

Madaxweyne Farmaajo oo dhabar jabin siyaasadeed kala kulmay Mareykanka

Cabdi Cade

Madaxweynihii hore ee Galmudug oo baaq u diray Hogaanka Ahlu Sunna

Cabdi Cade

Xubno katirsan Al Shabaab oo madaxooda la dul dhigay lacago badan (Akhriso Magacyada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---