Trump oo ciqaab adag ugu hanjabay Sacuudiga hadii ay ku cadaato dilka Khashoggi

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku hanjabay inuu tallaabo adag ka qaadi doono Boqortooyada Sacuudiga haddii ay ku caddaato inay mas’uul ka ahayd dilka Qoraaga iyo saxafiga Jamal Khashoggi ee lagu waayey Qunsuliyadda Sacuudiga ee magaalada Istanbul.

Trump ayaa Telefishanka CBS u sheegay inuu aad caroon doono haddii ay arrintaasi run noqoto, isla markaana ay tahay wax laga yaxyaxo wixii dhacay, isagoo tallaabo adag iyo ciqaab ugu goodiyey Sacuudiga

“Madaxda Sacuudiga wey beeniyeen iney dileen suxufigan balse waxaa jira cadeymo cad cad oo ka dhan, haddii ay ku cadaato iney maleegeen falkaan guracan ciqaab adag ayuu Sacuudigu wajihi doonaa” ayuu yiri Trump.

Ciidammada ammaanka ee Turkiga ayaa sheegay iney hayaan caddeyn ah cod maqal iyo muuqaal ah oo qeexaysa in Mr Khashoggi, oo wax ku qori jiray wargeyska the Washington Post lagu dhex dilay qunsuliyadda dhexdeeda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -