Dowlada Somalia oo War kulul ka soo saartay qaraxyadii galabta ka dhacay Baydhabo

Guddoomiyaha Golaha shacabka ee Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa cambaareeyay qaraxyadii al-shabaab ay la beegsadeen meelo dad shacab ah ay isugu yimaadaan oo ku yaala  Magaaladda Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay.

“Waxaan cambaareynaa weeradadii aragaxisadu ay ka geysteen Magaaladda Baydhabo, iyagoo halkaasi ku laayay dad aan waxba galabsan, waxaana tacsi u dirayaa ehelada dadkii halkaasi ku geeriyooday waxaan Alle SWT uga baryayaa in Naxariistiisa ka waraabiyo, kuwii ku dhaawacmayna bogsiimo deg deg ah Allaha ha siiyo” ayuu yiri Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Waxaa uu sheegay in Isbitaaladda Magaaladda Baydhabo ay u diri doonaan gargaar Caafimaad si wax loogu qabto dadka falkaasi ku waxyeeloobay sidoo kalena ay maalinta beri ah halkaasi u diri doonaan diyaarad halkaasi ka soo daadgureysa dadkii qaraxyadaasi ku dhaawacmay si loogu daweeyo Magaaladda Muqdisho.

Mudane Maxamed Mursal Sheekha C/raxmaan ayaa sheegay in kooxaha caadeystay daadinta dhiiga dadka Soomaaliyeed loo baahan yahay in meel looga soo wada jeesto, isagoo shacabka ugu baaqay in ay hay’adaha amaanka kala shaqeeyaan ciribtirka Kooxdan.

Qaraxyada oo aha kuwo ismiidaamin ah ayaa lala beegsaday hotel Bilan iyo maqaayada Beder oo ku dhow halka loo yaqaano Afar-irdoodka Baydhabo, waxaana inta la xaqiijiyey ku naf waayey dad ka badan 15 qof oo dhamaantood shacab ah, halka tiro intaas ka badana ay ku dhaawacmeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -