Allbanaadir.com
NEWS

Jabuuti oo war cusub ka soo saartay xad gudubka Itoobiya ku sameysay Somalia

Dowlada Jabuuti ayaa war cusub ka soo saartay khilaafka soo kala dhex galay dowladaha Soomaaliya iyo xabashida Itoobiya kaasoo ka dhashay heshiiskii dhowaan Abiy Ahmed uu la saxiixday Madaxweynaha Somalland.

Heshiiska ayaa dhigayey in Itoobiya dhul badeed ay ka sameysato saldhig milateri laga siiyo xeebaha Somaliland, taas bedelkeedna ay dowlad rasmi ah u aqoonsato Somaliland.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda dowladda Jabuuti oo war ka soo saartay damaca gurracan ee dowladda Itoobiya ee dhulka Soomaaliyeed ayaa sheegtay inay muhiim tahay ilaalinta Madaxbanaanida iyo wadajirka dhuleed ee dowladaha xubnaha ka ah Urur Gobolleedka IGAD.

“Jamhuuriyadda Jabuuti oo hadda ah hoggaanka urur gobolleedka IGAD waxay xaqiijinaysaa inay si qoto dheer u ilaalinayso, madaxbannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee dhammaan dawladaha xubnaha ka ah ururka IGAD, sida ku cad heshiiska IGAD iyo xeerka dastuuriga ah ee Midowga Afrika” ayaa lagu yiei qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda Jabuuti.

Madaxda sare ee DF iyo goleyaasha xukuumada iyo labada aqal ee baarlamanka Somalia  ayaa si adag uga soo horjeestay heshiiskaas oo ay ku tilmaameen inuu yahay mid ka hor imanaya madax banaanida iyo midnimada Somalia.

HOOS KA AKHRISO WAR SAXAAFADEEDKA JABUUTI

Related posts

Shirkadda DIGNITAS oo soo saartay qalab yaab leh iyo muran ka dhashay (Sawirro)

Caydiid Ali

Dowlada Maraykanka oo taageertay heshiiskii diblomaasi ee Somaliland iyo Taiwan

Caydiid Ali

Kiisaska cudurka COVID-19 oo mar kale sare u kacaya qeybo ka mid ah Somalia

Caydiid Ali
Taboola Ads ---