Hay’adda Ifrah Foundation oo doodo ku saabsan ciribtirka FGM-ka ku qabatay Muqdisho (Sawirro)

Hay’adda Ifrah Foundation oo taageero ka heleysa hay’adda carruurta u qaabilsan Qaramada Midoobe ee UNICEF, ayaa bishii hore ee June kulan-doodeed looga hadlayay dhibaatada gudniinka gabdhaha u qabatay horjoogayaasha kaamamka barakacayaasha ee ku yaalla dulleedka magaalada Muqdishu, odayaal, culimo iyo dhallinyaro.

Kulanka oo muddo shan maalmood ah ka socday kaamka Rabi-yasir oo ay hoos yimaadaan kaamam kale, ayaa la isku weydaarsaday doodo ku saabsan kaalinta horjoogayaasha kaamamka barakacayaasha iyo culimada ay ku leeyihiin wacyi-gelinta FGM-ka.

Ifraax Axmed oo ah agaasimaha hay’adda Ifrah Foundation, ayaa sheegtay in ujeedka kulan-doodeedka uu ahaa kordhinta fahamka dadka laf-dhabarta u noqon kara la-dagaallanka FGM-ka, isla markaana loo baahanyahay in ay safka hore ka galaan dhameynta caada-dhaqameedka caqabada ku ah gabdhaha Soomaaliyeed.

“Maanta waxaan rabaa in qof walba uu qaato wixii uu halkan ka faa’iiday, si loo badbaadiyo gabdhaheenno iyo carruurta ay dhali doonaan. Gudniinka ma lahan wax faa’iido ah. Mudadii aan ka shaqeyneynay kaamka Rabi-yasir waxaan aragnay hooyooyin badan oo u dhintay dhiig-bax uu asalkiisu sababay gudniinka iyo gabdho badan oo guurka ka cararay, iyagoo wali xusuusan dhibkii ay kasoo mareen gudniinka”, ayey tiri Ifrah Axmed.

Mid kamid ah hooyooyinkii ka socday kaamamka barakacayaasha ayaa sheegtay in faham aad u sarreeya uu u kordhay intii dooda ay socotay, iyadoo hadalkeeda sii raacisay “Saacadihii dooda ay socotay waxaan oggaanay in dhibaatadii gudniinka ee aan soo maray iyo midii aan u geysanay carruurteen ay xadgudub ahaayeen. Waxaana Allah weydiisaneynaa in uu naga cafiyo. Ma jirin carruur u geeryootay gudniinka awadeed, waxaana ku mahadsan Allah”.

Hooyo Muslimo, ayaa ballanqaaday in labadeeda gabdhood aysan gudi doonin, isla markaana ay xaafadeeda ka bilaabi doonto ololaha la-dagaallanka gudniinka FGM-ka. “Anniga ayaa soo maray gudniinka FGM-ka, waana ka warqabaa saameynta uu dumarka ku leeyahay, go’aankeyga waa in aan wacyi-gelin sameyaa”, ayey raacisay.

Dhinaca kale, hay’adda Ifrah Foundation iyo hay’adda carruurta u qaabilsan Qaramada Midoobe ee UNICEF, ayaa magaalada Muqdisho ku qabtay dood looga hadlayay saameynta gudniinka iyo waxa ay ka qabto diinta Islaamka.

Ka qeyb-galayaasha dooda oo ka koobnaa dhallinyaro, dhaqaatiir iyo haweyn ayaa su’aallo ku saabsan FGM-ka weydiiyay culumaa’udiin-ka, kuwaas oo sharraxaad ka bixiyay sida diinta Islaamka aysan u oggoleyn gudniinka FGM-ka.

Sheekh Shariif oo ah imaamka Masjidka Imaan ee degmada Waaberi, ayaa carabka ku adkeeyay in gudniinka FGM-ka uusan raad ku laheyn diinta Islaamka, sidaasi darteedna loo wada istaago sidii loo ciribtiri lahaa. Wuxuu intaa raaciyay in wacyi-gelin ay ka sameyaan masjidka, ayna ka hadlaan mowduucyo ku saabsan saameynta gudniinka FGM-ka.

“Doorka culimada waxaa uu qeyb weyn ka qaadanayaa ciribtirka caadada dhaqameydka FGM-ka, waxaana mar walba u taaganahay in aan laba jibaarno dadaalkeena”, ayuu yiri Sheekh Shariif.

Dhaqtar Faadumo Maxamed, ayaa sheegtay in marka gabadha la gudo ay la kulmeyso khatar deg-deg oo ah dhiix-bax, naxdin, dhaawac halis ah, cudurro kala duwan – iyo xitaa dhimasho, marka xaaladda dhiig-baxa ama caabuqa uu si gaar ah u daranyahay.

“Waxaan la kulanaa gabdho ugub ah oo ku sugan xaaladdo halis ah oo keeni kara dhimasho”, ayey tiri Dhaqtar Faadumo.

Waxaa jira noocyo kala duwan oo gudniinka FGM-ka- saddexdii qof ee ah haween Soomaali, mid ayaa lagu sameeyay gudniinka darran ee loo yaqaanno fircooni. Gabdhaha da’doodu ka yar tahay shanta sano ayaa lagu sameeyaa gudniinka, iyagoo aan la weydiinin rabitaankooda, taas oo loo arko xad-gudub cad oo ka dhan ah xuquuqdooda.

Sheekh Bishaar, ayaa si loo joojiyo caado dhaqameedka gudniinka ugu baaqay dhammaan culimada Soomaaliyeed in ay kaalintooda ka qaataan la-dagaallanka FGM, kana qeyb-galaan doodaha warbaahinta iyo dood cilmiyeedyada looga hadlo FGM-ka.

Soomaaliya ayaa kamid ah dalalka adduunka ugu sarreeya ee lagu sameeyo gudniinka FGM-ka. Boqolkiiba 90 haweenka da’doodu u dhaxayso 15 ilaa 49 ayaa lagu sameeyay gudniinka. Qaramada Midoobay ayaa ku baaqday in la iska kaashado ciribtirka FGM-ka, si loo ilaaliyo malaayiin qof oo khatar ugu jira gudniinka FGM-ka sannad kasta.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -