Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dokumenti xasaasi ah oo lagu wareejiyey Guddiga la socodka Dastuurka BFS (Sawirro)

Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka JFS, Xassan Macalin Maxamuud ayaa Maanta ku wareejiyay gudiga la socodka iyo hirgalinta Dastuurka ee Baarlamanka federaalka Soomaaliya shan nuqul oo kamid ah heshiisyadii ay gaareen Madasha wadatashiga qaran.

Xildhibaan Xuseen Iidow (Hussein Idow ) oo ah guddoomiyaha guddiga lasocodka Dastuurka uuna wehliyo Xoghayaha Guddiga Senatar Siciid Cowke ayaa kala wareegay Wasiir Hassan Sheikhali  heshiisyada 5ta ah.

Shanta heshiis ee wasaarada Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ay saakay wareejisay Ayaa kala ah.

1.Heshiiska Hannaanka Federaalaynta Garsoorka dalka  (December, 2022)

  1. Heshiiska Astaynta awoodaha Hay’adaha Dowladda (December, 2022) .
  2. Heshiiska astaynta iyo Wadaagga daqliga (Maarso 2023).
  3. Heshiiska qaab dhismeedka amniga Qaranka (Maarso 2023)
  4. Heshiiska Hannaan Doorashooyinka Qaranka( Maajo 2023).

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Akhriso) Jabhadda ONLF iyo Madaxweynaha DDSI oo todobo qodob ku heshiiyey

Caydiid Ali

Xaaska Madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo ku geeriyootay Magaalada Nairobi

Caydiid Ali

Qaybta 1aad :-Maxaad kala socotaa hashii Mucjisada aheyd ee la siiyey Nebi Saalax CS?

admin
Taboola Ads ---