Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Wajiyada Hogaamiyaasha Taliban oo Sanado kadib la arkayo iyo Amar cusub oo soo baxay

Kooxda Taalibaan ayaa la wareegtay maamulka inta badan dalka Afganistan, waxa ayna hogaamiyaasha kooxdan hada ka fekerayaan dhismaha dowlad Islaami ah oo la jaanqaadi karta caalamka.

Hogaamiyaasha kooxda Taalibaan ayaa sanado badan baxsad ku jiray kana qarin jiray wajiyadooda warbaahinta, hasa ahaatee waxaa hada la filayaa in wajiyadooda si caadi ah u muujiyaan kadib 20-sano ay is qaris iyo dhuumasho ku jireen.

“Dunidu waxay si tartiib-tartiib ah u arki doontaa dhammaan hoggaamiyeyaasheenna, ma jiri doonto dhuumaaleysi iyo is qarin dambe,” ayuu Wakaalada Wararka Reuters u sheegay sargaal katirsan Talaibaan oo magaciisa qariyay.

Sargaalkan katirsan Taalibaan ayaa sidoo kale cadeeyay in hogaamiyaasha kooxda ku amreen dagaalyahanada in aysan u dabaal degin guusha ay ka gaareen dagaalkii ay ku jireen dowlada Afganistan iyo xulufadeeda.

Hogaamiyaasha Taalibaan ayaa inta badan laga heyn muuqaalo iyo sawirro, waxa ayna ku jireen dhuumaaleesi, hasa ahaatee waxaa hada la filayaa in mudo kadib in ay ismuujiyaan oo si rasmi ah wajiyadooda uga soo muuqdaan warbaahinta caalamka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xildhibaano ka tirsan Golaha shacabka oo diyaarinaya mooshin ka dhan ah RW Xamse

Caydiid Ali

Taliye Gorod oo amar adag ku soo rogay ciidamada dowlada ee isticmaala Qaadka

Caydiid Ali

(Daawo Sawirro) Shirka Brussels oo xaqiiyey qodob muhiim ah & duqa Muqdisho oo faahfaahiyey

Caydiid Ali