Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Qaraxyo goor dhow ka dhacay Magaalada Baydhabo iyo rasaas laga maqlayo

Sida ay sheegayaan warar goor dhow na soo gaaray labo qarax oo isxigay ayaa ka dhacay magaalada Baydhabo ee gobolka Bay.

Qaraxyada oo dhacay 20 daqiiqo ka hor salaadii maqribka ayaa la soo sheegayaa iney ka dhaceen bartamaha magaalada.

Rasaas culus oo ay ridayaan ciidamada amaanka ayaa la so sheegayaa iney si goos goos ah u dhaceyso, iyadoo jawiga magaalada Baydhabo uu mar qura isbedelay.

Gaadiidka gurmadka ambalaasta ayaa goobaha ay wax ka dhaceen ku sii kala cararaya, welina lama oga cida lala beegsaday qaraxyadan iyo khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay.

Wixii faahfaahin ah ee ka soo kordha kala soco wararkeena ugu horeeya insha ALLAAH 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Afgembi fashilmay oo ka dhacay dalka Sudan & dowlada oo war ka soo saartay

Caydiid Ali

Labo Wadan oo Muwaadiniintooda uga digay in ay u safraan dalka Mareykanka

Cabdi Cade

Wararkii ugu dambeeyey duqeymo & dagaalo ka dhacay degaano ka tirsan gobolka Bari

Caydiid Ali
Taboola Ads ---