Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Xamse oo danijre Ahmed Bin Mohamed kala hadlay xiisada Somalia & Itoobiya (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Boqortooyada Sucuudi Carabiya u fadhiya Soomaaliya, Mudane Axmed Bin Maxamed Al-Mawlid oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iskaashi ee u dhexeeya labada dal ee walaalaha ah iyo fursadaha maalgashi ee jira maadaama dalkeena laga cafiyey deyntii.

Dhankiisa, Danjire Axmed Al-Mawlid ayaa muujiyey in ay Dowladda Sacuudigu ay diyaar u tahay fursadaha maalgashi ee ka jira Soomaaliya, iyo taageeridda dowladda Soomaaliya ee dhinacyada mashaariicda kala duwan ee horumarineed oo dalka laga hirgeliyo, isagoo si gaar ah u ballanqaaday ay ka qaybqaadan doonaan xasillinta.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa Dowladda Boqortooyada Sacuudi Carabiya uga mahadceliyay taageerada dowladda Sacuudiga iyo garab istaagga ilaalinta madax-banaannida, gobannimada iyo midnimada dhuleed iyo shacab ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Dowlada Somalia ayaa wada dedaalo diblomaasiyadeed oo oo caalami ah kuwaasoo ay kaga hortagayso gardarada Itoobiya ka wado Somalia iyo heshiiskii guracnaa ee ay la gashay Somaliland.

Related posts

Qarax goor dhow ka dhacay Baydhabo iyo faahfaahino ka soo baxaya

Caydiid Ali

Maxay ka wada hadleen Madaxweyne Farmaajo & Raisul Wasaare Erna Solberg?

Caydiid Ali

National Anti-Oppression Party Criticizes Presidential Decision on Election Committee

admin
Taboola Ads ---