Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Turkiga oo mowqif adag ka istaagay xad gudubka Itoobiya kula kacday Somalia

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Turkiga Mr. Öncü Keçeli ayaa war ka soo saaray heshiiskii is-afgaradka ahaa ee ay Itoobiya iyo Somaliland kala saxeexdeen January 1, 2024.

Heshiiskan ayaa dhigaya in Itoobiya ay Somaliland u aqoonsato dal ka madax banaan Somalia, taas bedelkeedna laga kireeyo dhuul badeedka Somaliland qeyb ka mid ah.

Mr. Öncü Keçeli ayaa walaac ka muujiyey Heshiiskii Isfahamka ee ay Itoobiya iyo Somaliland ku kala saxiixdeen Addis Ababa iyadoo  aaney ka warqabin oggolaanshana ka haysan Dawladda Soomaaliya.

“Waxaan mar kale xaqiijineynaa sida ay nooga go’an tahay midnimada, madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya” ayaa lagu yiri war saxaafadeed ka soo baxay Wasaarada arrimaha dibeda ee Turkiga

“Waxaan u rajaynaynaa in khilaafka u dhexeeya Soomaaliya iyo Somaliland lagu dhameeyo wada-xaajood toos ah oo dhexmara Soomaalida, waxaanan ku celinaynaa inaan taageerayno hindisayaasha wadahadalka labada dhinac” ayaa lagu yiri War saxaafadeed ka soo baxay Turkiga.

Dawladda Soomaaliya ayaa is-afgaradka ku tilmaantay mid xadgudub ku ah qarannimada iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya, waxaana Soomaaliya ay u yeeratay safiirkeedii Itoobiya.

Midowga Yurub, Mareykanka, Ururka Jaamacada Carabta iyo qaar ka mid ah dalalka caalamka ayaa ku baaqay in la ixtiraamo madax-banaaniada iyo midnimada Soomaaliya.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA WASAARADA ARRIMAHA DIBEDA TURKIGA

 

Related posts

Wararkii Ugu dambeeyay Weerarkii Al Shabaab ku qaadeen Baar Sanguuni

Cabdi Cade

Wasiir Fiqi iyo Taliye Asad Diyaano oo kawada hadlay Istaraatiijiyad amni

Cabdi Cade

(Daawo Sawirrada) Masjidkii qadiimiga ahaa ee ay burburisay Jabhadda TPLF

Caydiid Ali
Taboola Ads ---