Allbanaadir.com
NEWS

Wasiir Fiqi iyo Taliye Asad Diyaano oo kawada hadlay Istaraatiijiyad amni

Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Danjire Axmed Moallim Fiqi oo ayaa maanta kulan gaar ah kula qaatay xafiiskiisa Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed Jeneraal Asad Cismaan Cabdullaahi (Diyaano).

Wasiirka Arrimaha Dibadda Danjire Axmed Macallin Fiqi ,ayaa xarunta Wasaaradda ku soo dhaweeyay taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed Asad Cismaan Cabdullaahi (Diano), waxa ayna  si gaar ah uga wada hadleen istaraatijiyad lagu xoojinayo amniga iyo xasilloonida Soomaaliya

Wadahadalka Wasiirka iyo taliyaha ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga u dhexeeya Wasaaradda iyo ciidanka booliska Soomaaliyeed, gaar ahaan amniga qaranka, la dagaallanka dambiyada abaabulan, iyo ilaalinta badbaadada muwaadiniinta.

Kulankani wuxuu yahay tallaabo muhiim ah oo lagu mideynayo dadaallada lagu taageerayo ciidanka booliska Soomaaliyeed ee doorka muhiimka ah ka qaata amniga qaranka. Labada hoggaamiye ayaa mar kale xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay in la dhiso Soomaali midaysan oo xasilloon, iyaga oo dhiirrigelinaya wadajir iyo horumar dalka oo dhan ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidamo Cusub oo macawuusley ah oo Dagaal loo diyaariyay oo lasoo bandhigay (Sawirro)

Cabdi Cade

Golaha Iskaashiga oo War kasoo saaray Mooshinka Farmaajo laga gudbiyay

Cabdi Cade

Ciidamada Maraykanka oo duqeyntii Sadexaad bil gudaheed ka geystay Koonfurta Somalia

Caydiid Ali
Taboola Ads ---