Wafdi ka socda Wasaarada Difaaca dalka Qadar oo soo gaaray Muqdisho

Waxaa saakay magaalada Muqdisho soo gaaray wafdi ka socda Wasaarada difaacada dalka Qadar, waxaana wafdigan garoonka kusoo dhaweeyay Masuuliyiin iyo saraakiil katirsan Ciidanka Milatariga Soomaaliya.

Wafdigan ka socday Wasaarada Difaaca dalka Qadar ayaa markii ay soo gaareen Muqdisho waxaa loo galbiyay Wasaarada Gaashaandhiga, halkaas oo la filayo in kulamo kula qaataan Madaxda Wasaarada Gaashaandhiga iyo saraakiisha ciidanka Milatariga.

Waxaa wali la ogeyn xubnahan ka socda dalka Qadar cida hogaamineysa iyo waxa ay ka kooban yihiin, lamana oga ujeedka rasniga ah ee xubnahan ka socda Wasaarada Difaaca Qadar usoo gaareen Muqdisho.

Dowlada Qadar ayaa kamid ah dowladaha sida weyn u taageera dowlada uu Farmaajo hogaamiyo , waxaana marar kala duwan Muqdisho soo gaaray madax iyo Saraakiil ka socota Sirdoonka Qadar kuwaa oo kulamo la qaatay Madax kala duwan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -