Dad lagu laayay Duleedka magaalada Baladweyne iyo xiisad halkaasi ka taagan

Wararka ka imaanaya magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in maleeshiyaad hubeesan saakay weerar ku qaadeen tuulada Bunka oo ku dhaw deegaanka Kabxanley ee dhaca duleedka Baladweyne halkaasna ku laayeen dad shacab ah.

Kooxda hubeesan ayaa weeraray beer la sheegay in ay dadkaan ku sugnaayeen, waxa ayna halkaasi ku dileen shan qof oo rag ahaa halka tiro kalana weerarkaasi uu kasoo gaaray dhaawacyo kala duwan.

Dableyda weerarka geesatay oo la sheegay in ay ahaayeen maleeshiyo beeleed ayaa goobta iasaga baxsaday, waxaana goobta dadkan lagu laayay oo horey uga dhaceen dagaalo qabiil salka ku haya ka taagan xiisad.

Dadka weerarka lagu dilay ayaa waxaa Magacyadooda lagu sheegay Khaliif Xassan Cadde, Maxamed Bishaar Afeey, Nuure Barre Cilmi, Maxamuud Cabdi Barey iyo Cameey Cabdi, kuwaas oo dhamaantood la sheegay in ay Shacab ahaayeen.

Odayaasha dhaqanka deegaanka dadka lagu laayay ayaa wada dadaalo looga hortagayo in aargoosi kale dhaco, waxaana dadka ku dhaqan Kabxanley oo marar badan lagu dagaalamay lasoo darsay cabsi ay ka qabaan falal aargoosi halkaasi ka dhacaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -