Caaqil Saxiixiisa si khaldan loo isticmaalay oo qeylo dhaan hawada mariyay

Caaqil Axmed Cabdi Gaas Hoolif oo kamid ah Waxgaradka gobolka Sool oo Warbaahinta kula hadlay magaalada Laascaanood ayaa si kulul uga hadlay saxiixiisa oo si khaldan loo isticmaalay.

Waxa uu sheegay Caaqilka in saxiixiisa loo adeegsaday si khaldan, Caaqilka ayaana tilmaamay markii saxiixa laga qaadayay loo sheegay in lagu shaqaaleesiinayo nin dhalinyaro ah oo ku sugan Garawe .

” Waxaan rabaa in halkan ka cadeeyo in saxiixeega si khaldan oon raali ka aheyn loo isticmaalay, markii saxiixa la iga qaadayay waxaa la ii sheegay in ay tahay mid lagu shaqaalaysiinayo nin dhalinyaro ah oo jooga Garoowe ,balse waxaan gadaal ka ogaaday in saxiixaas loo rabay nin raba in uu ka mid noqdo xildhibaanada Puntland” Ayuu yiri Caaqil Hoolif.

Caaqilka ayaa sheegay in uu hada xiran yahay ninkii ka dambeeyay qorshaha saxiixiisa lagu khalday , waxa uuna ka digay in saxiixaasi aan lagu kadsoomin ayna la socdaan guddiga khilaafaadka ee loo saari doono doorashada Puntland.

Puntland ayaa la filayaa in ay dhawaan ka dhacaan doorashada Baarlamaanka iyo tan Madaxweynaha, waxaana hada deegaanada maamulkaasi ka socda ololo balaaran ay wadaan musharaxiinta.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -