Al Shabaab oo Weerar Culus ku qaaday Saldhig ay joogeen Ciidanka Milatariga Somalia

Dagaalyahano aad u hubeesan oo katirsan Xarakada Al Shabaab ayaa xalay weerar xoogan ku qaaday saldhig ay ku sugnaayeen ciidamo katirsan Milatariga Soomaaliya oo kuyaala inta u dhaxeysa Balcad iyo Jowhar.

Dagaal xoogan ayaa ku dhax maray Ciidamada Milatariga iyo dagaalyahanada soo weeraray deegaanka Ceelka Geelow oo saldhig u ahaa ciidanka Milatariga, waxaana dagaal kadib deegaankaasi la wareegay Al Shabaab.

Sida aan Wararka ku heleyno Al Shabaab ayaa halkaasi ka qaatay hub ay lahaayeen ciidanka dowlada, waxa ay sidoo kale gubeen guryo cooshado ka sameesnaa oo kuyaala halka la weeraray.

Dagaalyahanada Al Shabaab ayaa isla xalay dib uga baxay Deegaanka Ceelka Geelow ay xalay dagaalka kula wareegeen, waxaana deegaankaasi saakay dib ugu laabtay ciidankii Milatariga ee laga saaray.

Wali si rasmi ah looma oga khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee kala gaaray labada dhinac ee ku dagaalamay deegaankan kuyaala inta u dhaxeysa Degmooyinka Balcad iyo Jowhar.

Al Shabaab ayaa inta badan xeryaha ciidanka dowlada ku qaada weeraro qorsheesan oo u badan ku dhufo oo ka dhaqaaq, Ciidanka dowlada ayaaana wali xal u helin weeraradan kadiska ha ee kaga yimaada dhanka Al Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -