Ra’isul Wasaare Rooble oo si adag uga hadlay Weerarkii lagu qaaday Xarunta Baarlamaanka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa si kulul u cambaareeyay weerar hoobiyaal ah oo maanta lagu qaaday xarunta KMG ee Gollaha shacabka ee Villa Hargeysa halkaas ay kulan ku lahaayeen Xildhibaanada labada aqal.
Rooble ayaa ku tilmaamay weerarkan in uu ahaa mid lagu doonayo in lagu carqaladeeyo shaqada Baarlamaanka Federaalka ah, waxa uu sidoo kale ku tilmaamay fal fulaynimo ah oo la doonayay in lagu cabsigaliyo Baarlamaanka oo ku guda jira waajib gudashadiisa dastuuriga ah si loo cuuryaamiyo in doorashadu dhaqso u dhammaato.
 
 Ra’iisul Wasaaaha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa boggaadiyay dadaalka Baarlamaanka labada Aqal ugu jiraan dhammaystirka iyo dardargalinta doorashada dalka.
 
Rooble ayaa faray Taliyeyaasha Ciidammadu in ay labalaabaan dadaalkooda ku aaddan suggidda amniga iyo ka hortagista isku day kasta oo lagu carqaladaynayo amniga dalka, gaar ahaan xilligaan lagu guda jiro arrimaha doorashooyinka.
Hadalkan kasoo yeeray Ra’isul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya ayaa kusoo aadaya xilli maanta tiro hoobiyaal ah lagu garaacay xarunta Villa Hargeysa ay ku shirayeen xildhibaanada labada aqal ee Baarlamaanka federaalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com 

- Advertisement -