Mucaaradka Dowlada oo Fursad Dahabi ah u arka Weerarkii lagu qaaday Guriga Senator Qeybdiid

Xildhibaano iyo siyaasiyiin Mucaarad ah ayaa fursad siyaasadeed oo ay dowlada ku dhaleeceeyaan u arkay weerarkii sabtidii ciidamo ka tirsan dowlada Somalia ku qaadeen hoyga Senator Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid).

Xubnahan oo tiradooda aysan tobaneeyo ka badneyn ayaa si weyn ugu farxay weerarkan iyagoo u arkay fursad dahabi ah oo cirka uga soo dhacday, waxayna si toos ah ugu eedeeyeen dowlada iney weerarkaas wax ka ogtahay, iyagoo xitaa ka hor dhacay baaritaanada socda.

Madaxda dowlada ayaa si isku mid ah u cambaareeyey dhacdadan, iyagoo sheegay ineysan waxba ka ogeyn, waxaana la xirxiray ciidankii iyo saraakiishii ka dambeysay, iyadoo la baarayo cida amarkan bixisay iyo ujeedada laga lahaa.

Senator Qaybdiid oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in lagu wargeliyey in gurigiisa ay soo weerareen ciidamo ka amar qaata Imaaraadka Carabta oo lagu eedeeyo iney maalgeliso siyaasiyiinta Mucaaaradka si ay uga shaqeeyaan majaxaabinta dowlada Somalia.

Warar hordhac ah oo isa soo taraya ayaa sheegaya in baaritaanka socda lagu ogaaday in weerarka lagu galay hoyga Cabdi Qeybdiid uu ahaa Mu’aamarad siyaasadeed oo ay soo maleegtay dowlada Imaaraatka Carabta taasoo ujeedada laga lahaa ay aheyd in la sii huriyo xiisada Siyaasadeed ee mucaaradka iyo dowlada, madaxda dalka iyo shacabkana la iska horkeeno.

Inkastoo Cabdi Qeybdiid uusan ka mid aheyn xubnaha mucaaradsan dowlada ayaa haddana dad badan waxay aaminsan yihiin in sababaha loo beegsaday ay ka mid yihiin:-

1-Maadaama uu ahaa hogaamiye kooxeed hore in laga careysiiyo si ugu biiro siyaasiyiinta Mucaaradka ee doonaya iney majaxaabiyaan dowlada loona xoojiyo qorshaha Imaaraatka ee meesha looga saarayo Madaxda dowlada.

2-In weerarka lagu qaaday hoygiisa loo arko in dowladu ay beegsaneyso siyaasiyiin gaar ah oo hal beel ka soo wada jeeda si la isaga horkeeno beeshan iyo dowlada, xasaasiyad qabiilna loo abuuro, iyadoo laga shidaal qaadanayo weerarkii lagu qaaday hoyga siyaasiga C/raxmaan C/shakuur.

3-In dowlada Somalia lagu furo xiisad cusub oo ka mashquulisa qorshaha ay ku Maxkamadeyneyso siyaasiga C/raxmaan C/shakuur oo xeer ilaalinta Qaranku sheegtay iney ku heyso cadeymo cad cad oo ku saabsan Qaran dumis uu dhaqaale uga soo qaatay dowlado shisheeye.

Balse sida hufan ee dowladu uga falcelisay dhacdadan iyo Cabdi Qeybdiid oo malaha fahmay dabinka loo dhigay ayaa Siyaasiyiinta mucaaradka niyad jab ku riday, iyagoo dareemay in sidii ay filayeen ay xaaladu noqon weysay, waxayna booqdeen hoyga Cabdi qeybdiid iyagoo sheegaya iney ka xun yihiin waxa meesha ka dhacay.

Qaladaadka waaweyn ee dowlada wax laga saarayo waxaa ka mid ah iney ku fashilantay la socodka iyo xakameynta ciidamada ay tababartay dowlada Imaaraatka Carabta ee weeararay hoyga Cabdi Qeybdiid kuwaasoo laga filan karo falalka noocan ah maadaama ay dowladaas gacmaha kula jirto siyaasada wadanka.

Inkastoo dowlada Somalia dhawaan lagu wareejiyey ciidamadan haddana waxaa la sheegayaa in saraakiisha hogaamisa ay weli xiriir toos ah la leeyihiin Safaarada Imaaraatka ee Muqdisho oo ay ka helaan dhaqaale iyo taageero kale intaba.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -